Xog: Sababta ay siyaasiyiinta reer waqooyiga ula safteen Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey safaf dhaadheer ugu jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu khilaaf adag soo kala dhex galay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa kasoo wareegay xafiiska madaxweynaha, iyagoo u baqaya mustaqbalkooda xildhibaanimo oo saameyn badan uu ku leeyahay Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga maamulayo doorashada reer waqooyiga oo Muqdisho ka dhaceysa.

Labada wasiir ee ka tirsan Xukuumadda Rooble, isla markaasna kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee kala ah wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo kan Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa si toos ah ula saftay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maadaama ay  u sharaxan yihiin Xildhibaano.

Sidoo kale, waxaa khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Farmaajo ka gaabsaday inuu ka hadlo Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo sidoo kale ah musharax doonaya in sanadkaan uu noqdo Xildhibaan.

Sababta ay reer waqooyiga ula safteen Rooble ayaa lagu sheegay inuu Ra’isul wasaare Rooble uu si toos ah isku hoos geeyey awoodda lagu faragelin karo kuraasta reer waqooyiga.

Xafiiska Rooble ayaa xaqiijin iyo kor joogteen ku sameyn doona in badan oo kamid ah mashruuca doorashooyinka reer waqooyiga, xulista ayuu sidoo kale awood ku leeyahay, waana marka la eego ama lagu dhaqmo habraacii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka.

Sidaas darteed, siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa Ra’isul wasaare Rooble u arka inuu waqtigaan kala guurka ah kaga muhiimsan yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan wax awood ah ku laheyn doorashada xubnaha Somaliland.

Tan iyo markii Ra’isulwasaare Rooble uu la wareegay maamulka doorashada xubnaha Somaliland ayaa waxaa socday dadaalo kala duwan oo ay midowga musharixiinta ku doonayaan inuu Rooble xubno ka siiyo xildhibaanada gobollada waqooyi.