Nin kaligii ku guuleystay inuu Al-Shabaab kaso xareeyo dad kor u dhaafaya 100 qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Cabdi Sheekh Farxaan oo hore u ahaa Amiirkii Al-Shabaab ee Baar-sanguuni iyo Xubin kamid ah guddiga shuurada ee kooxdaasi, ayaa xiligan ah Shaqsi si weyn u kala fur-fura dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Cabdullaahi oo kasoo hor-muuqday barnaamijka Daljir ee Telefishanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in sababta u weyn ee kooxdaas ugu baxay aheyd kadib markii uu arkay gefaf badan oo ka dhan ahaa Diinta Islaamka.

“Markaa shaqadoodii ka tegay, waxay (Al-Shabaab) i xireen 40 cisho kadib markaa ka hor imid in aan soo guro lacagaha ay ka qaatan beelaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.

Markii uu ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay maamulka Jubbaland, oo asagu uga faa’iideystay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee maamulku kula jiro fikirkaas xagjirka.

Cabdullaahi Sheekh Cabdi ayaa waxa uu waqti badan geliyay tan iyo markii uu kasoo baxay kooxda Al-Shabaab sidii uu dad badan uga soo saari lahaa kooxdaas, maadama uu xiligan is-bedel weyn ku yimid fikirkiisi.

“Dadku inta badan wey ila soo xiriiran, aniguna aan qolada amniga la xiriiriyo, kadib marka aan tagno furimaha hore ayaa ka shaqeyna sidii aan ninkaas u soo galin laheyn xeyndaabka aan rabno,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxa uu ku guuleystay intii uu ku jiray howsha kala fur-furka Al-Shabaab in kooxdaas ka soo baxaan in ka badan 100 ruux oo iskugu jira dumar iyo rag, kuwaasi oo badankooda ay fursado shaqo abuuris ah siisay maamulka Jubbaland.