Safarka R/W Rooble ee Qatar ma xeelad siyaasadeed oo Farmaajo uu dejiyey baa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shalay labaduba safar ugu baxay dibedda, ayada oo Farmaajo uu aaday Addis Ababa, halka Rooble uu tegay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Socdaalka labada mas’uul ayaa abuuray su’aal ku saabsan waxa isku soo beegay, iyo suurta-galnimada ah haddii safarka Rooble ee Qatar uu yahay mid ku yimid safarka Farmaajo ee Addis Ababa dartiis, sida ay qabaan xildhibaanada qaar.

“Haddii Rooble uu u safri lahaa dal aan Qatar aheyn, wax su’aal ah kama dhalateyn in labada safar isku soo beegmeen, balse Qatar waxaan ognahay inay tahay saaxiibka koowaad ee Farmaajo iyo Fahad, marka maxay Rooble ugu yeertay oo ay dalka uga saartay isla waqtigii uu Farmaajo ka baxay,” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin.

Xubnahan ayaa rumeysan inay suurta-gal tahay in Farmaajo uu ka cabsaday in muddada uu dalka ka maqan yahay ay awoodo badan gacantiisa kasii baxaan, kadib markii horey loogala wareegay maamulka hay’adaha maaliyadda iyo warbaahinta dowladda federaalka.

Rooble iyo Farmaajo ayaa weli isku haya maamulka xarunta NISA, waxaana sidoo kale kala caddeyn cidda awood ahaan ku xoog badan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyo mas’uuliyiinta maamusha cidda ay taageersan yihiin.

Farmaajo ayaa horey waxaa u asiibay guul-darrooyin siyaasadeed intii uu dalka ka maqnaa la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda siyaasadeed ee Farmaajo.

Hase yeeshee, inkasta oo Fahad uu dalka ku sugan yahay, haddana awoodaha madaxweynaha iyo saameyntiisa aad ayey uga sarreeyaan tan Fahad.

Sidaas darteed, Farmaajo ayaa suurta-gal ah inuu Qatar kala hadlay inay safar ku casuunto Rooble muddada uu isna dalka ka maqan yahay, si ra’iisul wasaaraha uusan uga faa’iideysan maqnaanshihiisa, sida ay sheegeen xildhibaanada la hadlay Caasimada Online.