Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeediyey hab loola macaamilo Ahlu Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga ee Shabaabku kasoo ifbaxeen ayaa ka hadlay xiisadda cusub u dhaxeyso madaxda Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan.

“Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre shaqo fiican ayuu qabtay, ciidamadii Ahlu Sunna wuxuu ku daray kuwa dowladda isagoo heshiis la gaaray madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan, haddii qaar ka tirsan dadka Galmudug aqbalaan ma shaqeeneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir.

Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan haddii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid kasta oo wax garaneyso waa inay ka hortagaan Ahlu Sunna oo la diido, haddii ay diyaar u yihiin in la qanciyo la qanciyo haddii kalana la iska eryo waa markii dhabta loo hadlo, wax gar la yiraahdo ma jiraan, maamul waa maamul waa in la taageeraa,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay waxgaradka Galmudug inay u caqli celiyaan madaxda Ahlu Sunna isla markaasna ay Maanta badbaadiyaan Maamulka Galmudug.