Immisa balaayiin ah ayey shirkadda FACEBOOK ku khasaartay ciladii ku timid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa saacado yar uun gudahood khasaartay lacag dhan 7 bilyan oo dollar, kadib cilad farsamo oo ku timid adeegyada shirkadda, sida Facebook, Whatsapp iyo Instagram, kuwaas oo hawada ka baxay muddo lix saacadood ah.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyey ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaddu ay lumisay dhaqaale dhan 49%, marka loo eego 15% oo ay khasaartay bartamihii September.

Sidoo kale shirkadda ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dhanka suuqyada caalamiga ah, sida kuwa New York, waxayna shirkaddu ku Khasaartay 5% qiimihii ay ka heli jirtay ciladda ku timid aawgeed, waana meelaha ugu badan ee wax lagu kala iibsado.

Lacagtaasi ayaa la sheegay inay saami ahaan ku tashaneysay shirkaddu, balse waxaa haatan soo wajahay culeys dhanka dhaqaalaha ah, maadaama saacado yar uun ay khasaartay balaayiiin dollar-ka Mareykanka ah.

Dhinaca kale ciladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka isticmaala aaladaha shirkadan ee Facebook, Whatsapp & Instagram, waana markii ugu horreysay oo waqti intaas la’eg ay hal mar hawada ka wada maq-naadaan adeegyadaasi.

Maamulka shirkadda Facebook ayaa sidoo kale raali-gelin ka bixiyey ciladdan oo saameyn ku reebtay isticmaalka macaamiishooda oo aan horay u helin wax wargelin ah.

Ugu dambeyn Facebook ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin xog ama koonto loo dusay, sidaasina ay ku timid ciladda, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar horay loo baahiyey oo sheegayey in gudaha loo galay cinwaannada qaar intii ay ciladdu jirtay.