Sawirro: Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyay Doha + Ujeedka Qatar ugu yeertay

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda sare ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani.

Qatar ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyada oo su’aallo badan la’iska weydiinayo safarka Rooble ku tegay dalkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qatar ayaa dooneysa inay soo fara-geliso xiisadda ka taagan Villa Somalia, si hoos loogu dhigo khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Sidoo kale wuxuu socdaalkan ra’iisul wasaaraha kusoo aadayo, iyada oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Farmaajo iyo Fahad, kaas oo saameeyey wada-shaqeyntooda.

Rooble ayaa horey u booqday dalalka, Jabuuti, Kenya, Masar, Sacuudiga & Ingiriiska isaga oo kulam gaar  gaar ah la soo yeeshay madaxda wadamadaasi.

Saaka ayey aheyd markii uu isna Farmaajo u baxay safar uu ku tegay Itoobiya, halkaas oo uga qeybgalayo caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.