Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo saacado badan hawada ka baxay + Sababta

San Fransisco (Caasimada Online) – Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada kusoo laabtay in ka badan lix saac kadib markii ay ka baxeen, ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda.

Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa muddo saacado ah ka hor-imanayey farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.”

Markii ciladda ay bilaabatay ayaa afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka wuxuu yiri “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena.”

Abaare 6:30 pm ee xilliga Mareykanka iyo 1:30am ee xilliga Muqdisho ayey facebook xaqiijisay inay baraheeda dib hawada ugu soo laabteen.

“Dhammaan bulshada shacabka iyo ganacsiyada dunida ee nagu xiran, waan ka xunahay. Si xooggan ayaan uga shaqeyneynay inaan hawada kusoo celino baraheena, waxaana hadda ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno inaan soo celinay,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee twitter.

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta.

Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook.