Laba Senator oo caawa lagu doortay Jowhar iyo Senator kursiga ku fadhisay oo guul-darro culus lagu dhuftay

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku metelaaya maamulkaas, waxaana la doortay laba kursi oo ka dhimaneed 8-da kursi ee laga soo doorto deegaanada HirShabeelle.

Labada kursi ee Jowhar lagu doortay kan koowaad waxaa ku soo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka kan labaad ay ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi.

Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7-aad isaga oo ka guuleystay Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen. Cali Shacbaan ayaa wareega 3-aad uga adkaaday Xanafi isaga oo helay 62 Cod, halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod.

Kursiga 8-daad ayaa waxaa ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi, waxaana kursigan maalmihii dambe ka taagnaa muran xoog leh, waxaana ugu dambeyn loo xiray dumarka, iyadoo inay u tartamaan laga reebay labo musharax oo rag ah.

Zamzam Cabdullahi ayaa codad aad u badan wareegii koowaad uga guuleysatay Naciimo Ibraahim oo horay kursigaan ugu fadhisay, waxayna Naciimo heshay 8-cod oo kaliya, halka Zamzam ay ku soo baxday 77-cod.

Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyey caawa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana guud ahaan senatorrada Aqalka Sare ee dalka ee hadda dooran ay gaarayaan 48-xubnood, waxaana dhiman lix xubnood oo aan weli la dooran.

Afar xubnood ayaa weli laga sugayaa dowlad goboleedka Jubbaland, halka labada hartay laga sugayo dowlad goboleedka Galmudug, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhameystiro golaha Aqalka Sare ee dalka, si loo guda galo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.