XIJAAR oo lagu eedeeyey shirqoolka iyo afduubka odayaal – Xildhibaan arrimo badan shaaciyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilidhibaan Cali She Cabddulaahi (Cali Afgooye) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ku eedeyay in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay Nabaddoono.

Waxa uu sheegay in markii hore Odayaasha loogu yeeray toddobaad ka hor in uu la kulmayo Taliye Xijaar, hase yeeshe shirqool loo maleegay loogu taxaabay xasbi, ayada oo si bahdil ah loola dhaqmay Odayaasha, sida uu sheegay.

“CID-da markii la geeyay Odayaasha, wuxuu i dhahay soo noqo hal saac ama labo saac kadib, arrintaan wax weyn maaha Odayaasha waxyar ayaa wareysaneyna waana soo deynaynaa, arrintaas ma dhicin. Maalintii markaa tagay afar saac waxaa dhacay Bulac in uu meeshii ka maqan yahay oo Odayaashii kabaha laga siibay oo xabsiga la geliyay,” ayuu yiri Cali Afgooye.

“Maalintii kale ayaa subaxdii u tagay Buluc oo CID-da ah iyo odayaal kasoo jeeda degmada Afgooye, wuxuu noo sheegay in waxba jirin oo baaritaan yar lagu sameynayo oo Odayaasha uu tuhun ku jiro, waxaa u sheegay in Odayaashas aheyn Shabaab, aniga waa cadowgeyga Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Bulac, sida uu sheegay.

Waxa uu baaq cod dheer ah u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in mas’uuliyadda waxkasta oo soo gaara Odayaashaas dusha u ridanayo Taliye Xijaar, kuwaasi oo si shirqool ah ugu taxaabeen xabsiga, sida uu sheegay.

Hoos ka daawo muuqaalka