Xog: Sababta loo billaabi la’yahay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil iyo hadalka Rooble oo tuhun abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa weli illaa hadda billaaban baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo inay ku maqan tahay gacanta Hey’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalinta ayaa weli qaadin wax tallaabo ah oo ku aadan Kiiska Ikraan, mana aysan ka jawaabin codsiyo badan oo uga yimid shacabka iyo qoyska Ikraan oo ah in si deg deg ah loo guda galo kiiskaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo toddobaadkii tegay isna khudbad ka jeediyey xafladda xiritaanka doorashadii Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay hadal dad badan lama filaan ku noqday oo ahaa inaan baaritaanka weli la billaabin.

Rooble ayaa yiri “Maxkamadda ciidamada waxaan faray inay baaritaanka billaabaan, haddana waan ugu celinayaa inay baaritaanka deg deg u billaabaan.” Hadalkaas wuxuu xaqiijiyey in baaritaanka kiiska aan weli la guda gelin.

Dhinaca kale, waxaa maalmihii tegay xoogeystay warar laga helayo xafiisyada madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo sheegaya in isfaham qarsoon laga gaaray kiiska Ikraan.

Weli ma cadda nooca uu yahay isfahamka laga gaaray kiiskaan haddiiba uu jiro, waxaana muddooyinkii dambe socday dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul inkastoo aan weli saxaafadda lala wadaagin natiijada kasoo baxday wada-hadallada.

Sidoo kale, waxaa baryahaan istaagay hadalladii ay qoyska Ikraan Tahliil ka sheegi jireen saxaafadda, waxayna taasna keentay shaki ah inuu jiro is-faham.

Haddii ay run noqoto in Kiiska Ikraan Tahliil lagu dhammeeyey isfaham iyo wada-hadal, waxay taasi dhaawici doontaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horey u ballan qaaday in qoyska Ikraan ay heli doonaan caddaalad.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu yiri Rooble, oo toddobaadkii tegay ka hadlay Muqdisho.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa hoos uga dhacay sidii la filayey haddii ay ahaan laheyd dhanka siyaasadda iyo midda cadaaladda.