Algeria oo qaaday tallaabo aysan fileyn Faransiiska oo aargudasho ah (Warbixin)

Algiers (Caasimada Online) – Algeria ayaa u diiday diaaradaha militariga Faransiiska inay adeegsadaan hawadeeda maalin kadib markii ay u yeeratay safiirkeeda Paris, ayada oo ka carootay hadallo aan la ‘aqbali karin” oo loo tiriyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xiisadda kasii dartay dhammaadkii toddobaadkii tegay ayaa sidoo kale ka dambeysay kadib markii France ay qaadatay go’aan ay ku dhintay tirada dal-ku-galka la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika oo Algeria ay ku jirto.

Paris ayaa go’aanka Visaha u qaadatay sababo la xiriira in dowladahooda ay diideen inay dib u qaataan muhaajiriinta laga soo ceeriyo Faransiiska.

Codsi ka yimid Faransiiska, oo ahaa in laba diyaarad oo militari loo ogolaado inay ku duulaan hawada Algeria, ayaa la diiday Axaddii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Faransiiska Colonel Pascal Ianni.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha lagu waday inay kasoo duusho France, tan kalena Chad.

Ianni ayaa sheegay inaysan weli caddeyn in Alegria ay gebi ahaan hawadeeda ka xireyso diyaaradaha militari ee Faransiiska iyo haddii duulimaadyadii Axadda ay yihiin kuwa kaliya ee go’aanka uu sameeyey.

Mamnuucista duulimaadyada ayaa ka dambeysay markii Algeria ay si deg deg ah ugu yeeratay safiirkeeda Faransiiska habeenkii Sabtida, sida ay sheegtay madaxtooyada.

Algeria ayaa ka carootay hadal loo tiriyey Macron oo ay ku sheegtay “faro-gelin aan la aqbali karin” oo lagu sameeyey arrimaha Alegria “iyo weerar aan loo dulqaadin karin” oo ka dhan ah dadkii Algeria uga dhintay dagalkii gumeystaha Faransiiska.

AP + VOA