DAAWO: Senator Dhagdheer oo shaaciyey qorshe yaab leh oo ka dambeeya dagaalka hoggaanka AHLU-SUNNA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ka hadlay dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca dib ugu soo labo kacleeyay xiligaan sidii madaxtinimada ku heli lahaayeen.

Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagixisada.

“Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye Qoor-Qoor anagaa dooranay 2-sanaa u dhiman imoow waan ku dooraneynaa laakiin inaad macalimiintii dugsiyada Qur’aanka qoryo kusoo xirto sharaf ku heli meysid, iga qora haddii Dhuusamareeb gacanteenna ka baxdo wax Galmudug la dhaho ma jiraan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maadama ay tallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay.

“Qofka haddii uusan maamul rabin waxaa la yiraahda dowlad diid, anuu waxaa leeyahay ha la wada fariisto oo Sheekh Shaakir ha yimaado Dhuusamareeb oo waxaa leenahay Sheekha ha la karaameeyo.”

Senator Dhagdheer ayaa carabka ku adkeeyay in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal, ayada oo la tixgelinayo hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu ugu baaqay inay damiyaan xiisada dagaal ee ka taagan deegaano kamid ah maamulka Galmudug.

Hadalka Dhagdheer ayaa imanaya xili ay xiisada Ahlu-Sunna iyo Galmudug isku bedeshay dagaal sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac hor leh, islamarkaana deegaano dhowr ah ay ka baxeen gacanta maamulka Qoor-Qoor.

Hoos ka daawo muuqaalka