Dagaalka Guriceel oo galay maalintii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyey

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel waxaa weli ka socda dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalka galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dagaalka uu ka socdo dhinaca waqooyi ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano dhanka jaamacadda oo ka tirsan Guriceel.

Labada dhinac dagaalkooda maanta waa mid goos goos ah, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo dhexeysa labada dhinac.

Dagaalka haatan ka socda Guriceel dhanka Galmudug iyo dowladda waxaa ciidamada hoggaaminaya taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Inta uu socday dagaalka oo sii galay maalintii saddexaad ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda wada guluf xoogan, iyaga oo ka faa’iideysatay fursaddii la siiyey, si ay uga baxdo, waxaan taasi bedalkeeda ay heshay gurmad soo gaaray magaalada, iyada oo sidoo kale askartii ka dhaawacantay ka bixisay aaga dagaalka.

Dhinaca kale magaalada ayaa haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo sidoo kale waxbarashada, iyada oo inta badan qoysaskii daganaa halkaas ay barakaceen

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.