Somaliland oo magaalo kale maanta ka billowday raafka dadka kasoo jeeda Koonfurta

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta.

“14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag.

“Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.”

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag.

“Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur.

Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka booliska ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si qasab ah u qab-qabanayeen dadka aan dhalasho ahaan kasoo jeedin Somaliland.

Si kastaba, maamulka gobolka Sanaag ayaa hore u iclaamiyey muddo labo toddobaad ah oo ay u qabteen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay kaga baxaan magaalada Ceerigaabo, taasi oo ku eekeyd maalintii shalay aheyd.