FIQI oo doorashada Puntland u adeegsaday inuu weerar culus ku qaado Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbar-bar dhig cajiib ah ku sameeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Fiqi ayaa waxa uu madaxweyne Qoor-Qoor ku sifeeyay inuu yahay hogaami dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo, halka taasi badalkeed uu ku sifeeyay Deni hogaamiye gudanaya mas’uuliyadii loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu amaanay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni doorashada qof iyo codka ah ee saaka deegaano kamid ah maamulkaas looga dareeray.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi

Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye.

Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin murugo leh!. Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dadkiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hogaamiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!.

Meel hogaqmiyaheedu saakay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu beeray uur-ku-taallo iyo rajo xumo.

Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, halka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo siyaasadeed oo la kala doorto!

Galmudug Allaha u gargaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!.

Baaqiga hala caymiyo!