Banaanbax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, taasi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dhashay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen “Qoor iyo Farmaajo doonimeyno”, “Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas.

Waxay sheegen qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta inaysan ogolaan doonin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan.

Sidoo kale qaarkood ayaa sheegay inay taageersan yihiin hogaanka Ahlu-Sunna ee xooga ku qabsaday Guriceel, islamarkaana ay maalmahan dagaalka kula jiraan ciidamada maamulka oo kaashanaya dowladda.

Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalintiisi saddexaad, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac.

Inta uu socday dagaalka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.