Kumuu ahaa Col. Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle)

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii.

Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xarardheere, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii.

Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diinta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga.

Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu tabar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda guracan, weliba isagoo degganaa magaalada Xarardheere oo ay argagixisadu maamuleysay.

Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay inta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen.

Isla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xoreysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay ee Xaradheere.

Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii waxuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Shabeellada Hoose kuwaa oo Mareykanku tababaray, sidaas ayuuna qeyb uga noqday aas-aaskii ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaabilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldheeraa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada.

Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan.

Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dhashay ee Xaradheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto.

23-kii bishaan October oo ah maalinkii koowaad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday goob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka.

Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka,Axadii shalay ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah.

SNTV