Daawo: Indha-Cadde oo Qoor Qoor u jeediyey tallo yaab leh oo la xiriirta Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa taageero u muujiyey dowlad goboleedka Galmudug, isagoo tilmaamay in Ahlu-Sunna aysan mudneyn in wadahadal lala galo.

Indhacadde waxuu Ahlu-Sunna ku macneeyey Kaankare aan xal laheyn in la gooyo maahane, isagoo ku taliyey in dagaalka lagu wado illaa inta laga guuleysanayo oo la soo afjarayo ciidanka Ahlu-Sunna ee Guriceel ka dagaalamaya.

“Nimanka Ahlu-Sunna la leeyahay waa Kaankaro fidni waaye, Kaankaro in la gooyo maahee xal kale maleh, wixii dhimanaya ha dhinteen waa in ay adkaato Galmudug ama waa in laga adkaado Galmudug, xal kale iyo wadahal majiro,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale waxuu sheegay in Ahlu-Sunna ay dhowr dowladood gorgortan la gashay, oo horay loo siiyey xilal, dalacsiin ciidan iyo lacago badan, balse haatan aan laga ogolaan karin inay gorgortan sii wadaa.

“Dhibaatada Guriceel waxay Aabe ledahay nimankaas Ahlu-Sunna, waxaan qabaa waa in laga taqaluso ama Galmudug ay burburto, waxaan leeyahay madaxweynaha Galmudug ha gelin wax gorgortan ah, meel adag ka istaag arrintaan, qaladaad dhanka dagaalka ah ayaa jira oo Galmudug ay geleyso, nimanka waxaa u furan wadadii caabuswaaq oo dhaawaca ay ku qaadanayaan, gurmadkuna uga imaanayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Yuusuf Indhacadde.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable