Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Guriceel, halkeesa la kala joogaa?

Guriceel (Caasimada Online) – Waxaa fiidkii hore ee caawa si iskiis ah u istaagay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo socday seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, isla markaana sababay khasaare aad u badan.

Dagaalka xoogiisa ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, dhismaha Sheekh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa xarunta loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidanka Ahlu-Sunna ay aad uga dagaalamayaan.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba dhankiisa waxuu dagaalkii galabta ka sheegtay inuu horumar ka sameeyey oo ay qabsadeen meelo aysan markii hore joogin ciidamadooda.

Hase yeeshee xogta rasmiga ah ee ka madaxa banaan labada dhinac oo Caasimada Online ay ka heshay Guriceel waxay tilmaameysaa in dhinacyadu ay kala joogaan dhufeysyadii xalay, waxayna isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd illa Dabaqa Erkolle.

Si kale hadii loo dhigo aagga ay ciidamadu isku hor-fadhiyaan waa inta u dhaxeysa laamiga iyo xarunta Jaamacaadda oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa galabta isku deyey inay gudaha u galaan xarunta Jaamacadda oo Ahlu-Sunna ay difaac uga jirto, waxayna isugu dareen duqeyn iyo weerar toos ah, balse iska cabin adag ayey kala kulmeen ciidanka Ahlu-Sunna.

Haatan ciidamada dowladda waxay si buuxda gacanta ugu hayaan aagga saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada, dhismayaasha Beder 1 iyo Beder 2, ilaa Ceelka Shimbara-Oonshe.

Waxaan ilaa hadda si rasmi ah loo tira koobin khasaaraha ciidamada labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo noqday mid lagu hoobtay, waxaana ciidamada dowladda dhaawacooda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Dhanka Ahlu-Sunna ma jirto xarun caafimaad oo si rasmi ah ay u geysan karaan dhaawacyadooda, balse askar aad u yar oo dagaalka uga jirtay dhankooda ayaa maalmihii hore ee dagaalkaan la kala gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, inkastoo dhaawacyadii Ahlu-Sunna ee Gaalkacyo la geeyey ay isbitaalka kala baxeen ciidanka dowladda.

Wararka ay Caasimada Online ka heleyso dagaalka Guriceel waxay intaas ku darayaan in dowladda Soomaaliya waxay weli Muqdisho ka soo daabuleyso ciidan hor leh oo ka tirsan Gorgor, waxaana maanta Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarado looga qaaday cutubyo hor leh oo ka tirsan Gor Gor.

Ciidanka Ahlu-Sunna ayaan heleynin gurmad ku filan, lamana saadaali karo inta ay iska sii caabi karaan weerarka adag ee uga imaanaya ciidamada nooc kasta leh ee dowladdu isugu geysay Guriceel, si loo soo afjaro Ahlu-Sunnada 1-dii bishaan qabsatay magaaladaas.