Weerar culus oo ka dhacay AFGOOYE + Khasaaraha

Afgooye (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen gudaha magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogaga Al-Shabaab ay la beegsadeen bar-koontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkaasi waxa ay shaaciyeen inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare lixaad leh gaarsiiyeen.

Dagaalyahanadii weerarka qaaday ayaa dib u gurtay, waxaana haatan qeybo badan oo ka mid ah Afgooye howl-gallo ka wada ciidamada milatariga Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro joogta ah ku soo qaada magaalada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.