Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeynta xildhibaan Zakariye ee la xiriirta diyaaradaha drone-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi kadib markii hay’adda NISA ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah oo uu sheegay inuu isagu lahaa.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in diyaaradahaas aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooyada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dartood u beegsatay.

“Madaxweynaha ayaa arrinta u sheegay, go’aan waxaa lagu gaaray in la i ceebeeyo, oo been la iga sheego, arrinta haddaan daba-galayna arrin siyaasadeed weeye. Madaxweyne ayaa isku sharaxay, waxaa la ogyahay inaan dadka Soomaaliyeed sumcad ku dhex leeyahay, tartanka yuu gelin oo aan ceebeyno ayaa loola jeeda, waana dulmi afar sano lagu hayey shacabka Soomaaliyeed, oo hadda aniga la igu soo afmeeray,” ayuu yiri Zakariye. 

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta xildhibaan Zakariye, wuxuuna sheegay in arrintan ay tahay mid amni, oo khuseysa laamaha amniga.

“Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay beeninaysaa eedahan mala’waalka ah ee uu soo jeediyey xildhibaanku, waxaanna garowsannahay in arrintani ay tahay mid khuseysa laamaha ammaanka, sidaas darteed ma habboona in la siyaasadeeyo ama la hareer maro hannaanka ay laamaha ammaanku u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan hubinta waxyaabaha dalka soo galaya, si aysan u noqon kuwo waxyeeleeya amniga iyo xasilloonida dalka,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu usoo diray Caasimada Online oo la xiriirtay.

“Waxaan ku hagaynaa xildhibaanka u doodaya badeecaddan ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanku inuu iyaga kala xiriiro oo uu dhowro baaritaannada ay ku hubinayaan, una fududeeyo wixii lagu ilaalinayo amniga dalkeenna,” ayuu yiri.

Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda NISA ayaa Caasimada Online u sheegay in tuhun weyn laga qabo diyaaradahan, oo ay ka mid tahay in loo wado Xuutiyiinta dalka Yemen.