Guddiga doorashada oo la gaarsiiyey cabashooyinkii ugu badnaa iyo JAWAARI..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin guud ka bixiyey arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in cabashooyin badan la soo gaarsiiyey guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT), isla-markaana ay ka howl-geli doonaan ka guddi ahaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cabashooyinka lasoo gaarsiiyey ay isugu jiraan laba qeybood, tan koowaad waxa uu ku sheegay mid la xiriirta musharixiinta xildoonka ah, halka tan labaad ay tahay dhanka ergada beesha kursiga dooraneysa xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tan ugu horreyso ay guda-geli doonaan ay tahay mida guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna xusay inay kulan la leeyihiin, si ay ugu kuur-galaan cabashadiisa la xiriirta doorashooyinka.

“Cabashooyinku way kala duwanaayeen Tabashooyin badan ayaa nasoo gaaray, maalmaha ama saacadaha soo socda waxa aan fadhi la leenahay Jawaari” ayuu yiri Cirro.

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in guddigooda ay ergo u joogaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, wuxuuna cabashada ka imaaneysa ergada uu tilmaamay inay tahay eedeyn aad u culus.

“Goobaha doorashooyinka waxaa inoo jooga ergooyin, eedeynta ah Dad aan beesha ahayn ayaa Xildhibaanka Doortay waa eedeyn culus, qof weliba oo Ergay ah waxa aan ka buuxinaa xog dhammeystiran oo la xaqiijin karo” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cirro.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho xoogan ka soo yeereysay qaar ka mid ah musharixiinta xildoonka ah ee u tartamaya Golaha Shacabka, waxaana taasi sii dheer walaaca ay doorashada ka muujinayaan Midowga Musharixiinta.