Facebook oo $60 milyan ku iibsatay magac cusub

San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Meta Platforms Inc, oo leh baraha bulshada ee Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ayaa xuququda magaca Meta ku iibsatay 60 milyan oo dollar, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Reuters.

Shirkadda Meta ayaa waxaa la aas-aasay bishii October kadib markii Mike Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Oculus uu go’aansaday in shirkad cusub la hoos geeyo, halka markii hore uu magaca shirkadda ka ahaa Facebook, oo ay hoos iman jireen WhatsApp, Instagram iyo Oculus. 

Hase yeeshee xuquuqda magaca ama sumadda ganacsiga (Trademark) ee Meta ayaa waxaa lahaa Banki ku yaalla magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota ee Mareykanka oo lagu magacaabo Meta Financial Group.

Kadib wada-hadallo socday dhowr bil ayaa shirkad lagu magacaabo Beige Key LLC iyo Meta Financial Group, waxay isku raaceen heshiis 60 milyan oo dollar ah oo sumadda magaca Meta (Trademark) lagula kala wareegayo, sida uu sheegay afhayene u hadlay Bankiga. 

“Beige Key LLC inanga ayey nagu xiran tahay, waxaana iibsanay xuququda magaca Meta,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook).

Heshiiskan ayaa muujinaya sida magaca Meta uu muhiim ugu yahay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook).  

Afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc ayaa sheegay in shirkadda ay wada-hadallo kula jirtay Meta Financials kahor inta aan magaca shirkadda laga beddelin Facebook. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii