Cumar C/rashiid oo sheegay khalad uu sameeyey markii la doortay Farmaajo kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey sababta uu u soo xaadiri waayey kulamadii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya muddo afar sano ah.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa qiray in afartii sano ee lasoo dhaafay uusan soo xaadirin kulamadii golaha uu ka tirsanaa, isagoo shaaciyey in taasi ay ku dhacday hal khalad oo uu galay.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa khaladkaas ku sheegay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo uu go’aasaday in kursiga uu ku celiyo beeshiisa, si qof kale loogu doorto.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in beeshu ay ka codsatay in muddo uu sii hayo kursiga, kadibna uu yimaado Puntland oo laga soo doortay, si markaas qof kale uu ugu wareejo.

Cumar Cabdirashiid ayaa wareysigaan ku sheegay in soo jeedintaas uu aqbalay, isla markaana uu hadda ka qowmameynayo aqbalaadaas, maadaama uusan celin kursigii, afartii sano ee la doortana ay ka dhamaatay isagoo aan soo xaadirin hal kulan.

“Kursigeyga in aan celiyo waxaan u go’aansaday, maadaama aan ku soo shaqeynay xaalado adag in aan kasoo nasto mas’uuliyadda iyo siyaasadda,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay ixtiraami waayeen, iyagoo ah madaxdii ku wareejisay xukunka dalka, taas oo keentay inuu isaga tago dalka.

“Nimankaan markii ay xukunka yimaadeen waxay bilaabeen eedeyn siyaasadeed oo dadkii ka horeeyey ay saarayaan, hadii aan dalka sii joogi lahaa maanta waxaa la dhihi lahaa Cumar afar sano ayuu dowladda luga haayey,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii ee dalka Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda maqnaashihiisa ay laheyd dowladii uu hoggaaminayey Farmaajo, intiisa ugu badan afartii sano ee lasoo dhaafay waxa uu sheegay inuu joogay magaalooyinka Dubai iyo London.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii