Go’aanka ay qaateen Rooble iyo madax goboleedyada oo kasii daraya xiisadda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay qaadaceen hanaanka doorashada dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca iyo cabsida laga qabo in dalka ay ka dhacaan rabshado.

Dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa si weyn iskugu khilaafsan wadadii loo mari lahaa xal u helida hanaanka doorashada, xilli ay mucaaridka doorashada socota ku tilmaameen mid boob iyo sharci darro ah.

Mucaaradka ayaa doonaya in guud ahaan doorashada la joojiyo, la baabi’iyo dhammaan kuraastii horey loo doortay, wax walbana hadda iyo kow laga soo billaabo. Balse Rooble iyo madax-goboleedyada ayaa ku adkeysanaya in doorashada sii socoto, balse la saxo khaladaadka jira.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in go’aanka aamusnaanta ee uu qaateen Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin hogaanka dowlad goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay uga sii dareyso dareyso xaalada hubanti la’aanta ee ka taagan dalka.

Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ku guuldareystay inay iskugu yimaadaan kulan lagu xalinayo tabashada laga qabo hanaanka ay ku bilowdeen doorashada waqtigeeda uu dib uga dhacay ee ka socota dalka, kulankaas oo ay dalbadeen mucaaradka.

Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, hase yeeshee shirkan ayaa waxaa diidan xubanaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Madasha Wada-tashiga Qaran oo ayadu leh awooda socodsiinta doorashada, islamarkaana ay kasoo baxeen heshiisyada loogu jiheystay doorashada ayaa go’aan ka gaarista is-mari-waaga ka taagan doorashada xal u noqon lahaa, sida ay qabaan qaar kamid ah fallan-qeeyayaasha siyaasadda.

Aamusnida Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa la fahamsan yahay in Midowga Musharixiinta ay kusii riixeyso inay sii wadaan kulamada ay uga arrinsanayaan samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daah-furan.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka howl-galaya qabsoomida shirwayne Wada-tashi Qaran oo ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online dokumenti ay heshay oo ah dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota.

“Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri.

Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta: Xoreynta Dalka, Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa iyo Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH.Halkan guji oo ka arag dokumtigaas oo dhameystiran

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii