Aqriso: Jadwalka doorasho ee kuraasta qaar ka mid ah beelaha dega Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta beelaha Banaadirga ee Muqdisho ayaa maanta shaaciyey qabashada Shan kursi oo kamid kuwa Golaha Shacabka, kuwaasi oo lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

Kuraasta uu guddiga shaaciyey ayaa tirsigoodu yahay; HOP#105, HOP#265, HOP#266, HOP#034 iyo HOP#084. Waxa uuna sheegay guddigu in uu soo gudbin doono jadwalka kuraastaas.

“Guddiga hirgelinta doorashada ee SEIT Banaadir oo fulinaya wajibaadka qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaranka wuxuu gudiga halkan kusoo gudbinayaa qabashada doorashada Shan (5) ee ku asteesan kuraasta Beelaha Banaadiri,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Dhinaca kale, Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faray dhamaan guddiyada soo xulaya Kuraasta Banaadiriga inay u soo diyaar garooban doorashada.

Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay guddiyada doorashooyinka maamulada Puntland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan kuraasta ay qabanayaan doorashadooda.

“Waxaa halkan uga mahad-celinayna guddiyadii hore u bilaabay ee shaqada wada, waxaa rajeynayna in jadwalka waqtigii loogu tala-galay loogu soo dhameystiro,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

Arrimahan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta qaadaceen doorashada socota ee Golaha Shacabka, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo doorashada, oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii