Sawirro: Rajada aqoonsi ee Somaliland oo sare u kacday kadib wafti culus oo ka yimid Congress-ka Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Congress-ka Mareykanka, oo soo gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, arrimaha nabad-gelyada mandaqadda, horumarinta dimuquraadiyada iyo degenaanashaha gobolka geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ballan-qaaday inay warbixin buuxda oo la xiriirta horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan.

Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay, ayaga oo madaxda iyo shacabkeedana uga mahadnaqeen soo dhaweynta iyo sida maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay gaareen caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wafdiga ka socday Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaalada Hargeysa, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen xubno kamid ah labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka.

Waxay sidoo kale maanta la kulmeen wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka, ayaga oo ku bogaadiyey horumarka ay ku talaabsatay Somaliland.

Somaliland ayaa rumeysan in booqashada waftigan ay astaan u tahay in Mareykanka ugu dambeyn il-gaar ah kusoo eegayo Somaliland, ayna jirta rajo ah in ugu dambeyn uu dal u aqoonsan karo ama ugu yaraan uu si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka ula macaamili doono.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii