Sawirro: Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti, halkaas oo uu ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa galabta ka amba-baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay ka qeyb galka shirkaas.

Sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa Rooble ayaa Jabuuti u tegay inuu soo xiro dood cilmiyeed uu Machadka Cilmi-Baarista Heritage dalkaas ugu qabtay, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah, taas oo lagu gorfeynayo xaaladaha haatan ka taagan, qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa la siiyey khudbadda ugu dambeysa ee xiritaanka Madashan, isaga oo ka warbixin doona marxaladahii ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha ka jira qaar ka mida dalalka dhaca Geeska Afrika.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ay ka wada-hadali doonaan xaaladaha taagan, sida doorashada.

Booqashada Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya.

Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaaruhu tegayo Jabuuti, tan iyo markii loo magacaabay xilkaan, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Jabuuti iyo kan Soomaaliya aysan isku fiicneyn siyaasad ahaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii