Rooble oo Farmaajo ‘dib ugu celiyey’ awoodii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay in uu doorashada dalka u gacan geliyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Rooble uu raali ka yahay in la boobo doorashada ka socota dalka ee uu isagu dhabarka u ritay hogaaminteeda, islamarkaana uu mas’uuliyadiisa aad uga gaabiyey.

“Ra’iisul Wasaarihii waa is qaad-qaaday oo dadkii niyada ayuu kasoo riday, cadaalad aan sameyna, hagaag ayaa sameyna. Ra’iisul Wasaarow dadka ha lugeyn oo dadka qalbiga ha kasoo ridin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Raysal wasaare Rooble mas’uuliyaddiisa aad ayuu uga gaabiyay, kaliya ma ahan inuu ka gaabiyay, ee masuuliyaddii loo dhiibay ee lagu aaminay, ayuu ninkii lagasoo fara maroojiyay ula tagay oo faraqa ugu shubay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu cadeystay in dhinac uu saaray Farmaajo, uuan ku adkeysanayo in doorasho boobka uu sii socdo, islamarkaana ay tahay in mucaaridka ka tashadaan.

“Ra’iisul Wasaaraha waa u tahniyadeeyay kuwa doorashadooda ka qeylinayno, kuwii kalena waxa uu yiri bilaaba (maamul goboleedyada kale), dadka xuquuqdii ay laahayeen ee u qori qaadeen mirihii asaga ayaa daba marsiiyay. Waxaa laga rabay fulinta ballan-qaadyadiisi.”

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina walaac xoogan ka muujiyey fitnada ay doorashada u horseedayso dalka, maadama Odayaashii dhaqanka ee beelaha laga wareejiyay kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana madaxa la isku geliyay, sida uu sheegay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii