Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii 21-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane  Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay  U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa inan  bixino  dabayaaqada December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 21 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada  dahabka & Deeq tacliinta

 Ugu dambeyntii waxaan todobadkan gaadiidka bajaajka ku abaalmarin gabar adeegto ah oo u shaqeysa qoys soomaaliyeed si ay nolosha qoyskeeda uga maareeyso lacagta ay musharka u hesho iyadoo u direysa qoyskeeda oo ku dhaqan go  

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  SIU   Dr Maxamed Yuusuf Cumar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 21 aad  aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: C/ kaamil yusuf Mxamuud oo ah agaasimaga Teleshinka Som News Tv oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bushadua wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood muddo dhowr bilood ayey howshaan socotaa todobaadna lama baajin waa talaabo ku daysho mudan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Gudoomiyaha jaamacada Imamu Shaafici Dr C/qadir Sh Ismaciil oo aad u bogaadiyay barnamijka 10’000 Hadiyadood

“Waxaan bogadinayaa macaamiisha guuleysatay sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah”

Waxaa munaasabada soo xiray xildhibaan Zakariye Mxud Xaaji Cabddi oo ah  Rug-Cadaa  30 Sano ee la soo dhaafay  Xog-ogaal u ahaa hormarka bulshada soomaaliyeed ku talaabsaneyso 

waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 21aad  gadiidka bajaajka Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshadii u turtay gar-waaqsatay inay ku celiso 10’000 hadiyadood.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Faduma C/qadir Cali  o ku guuleystay gaadiidka bajaajka ee todobaadkan 21 aad waa gabar adeegto ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah

“Magaceygu waa Faaduma C/Qadir Cali Ma  filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaadiidka bajaajka waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay  xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil dumar ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo ku nool gobolada   uu ku guuleysto gaadiidka bajaajka 

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo todobaadka ugu dambeeya bisha December  aan bixinayno  gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  3aad macaamiilka ku guuleysta Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.