Guddiga Xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray kursigii loo doortay Yaasiin Farey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyey baaritaanka dacwaddii laga gudbiyey kursiga nambarkiisu yahay HOP#067 ee doorashadiisa ay ka dhacday Magaalada Dhuusaamareeb ee Xarunta Maamulku Galmudug taariikhda markey aheyd 25/11/2021.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay ku simaha taliyaha Hay’adda NISA  Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Faray, kadib markii laga xiray musharaxiintii kale, loona furay isaga iyo musharaxiin malxiis ah.

Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu ka mid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad.

Guddiga ayaa xusay in Nabadoon Cali Jeesto uu kamid ahaa Odayaashii ka qeybgalay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, wuxuuna guddiga sheegay inuu shirkaas kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.

Wuxuu kaloo guddiga sheegay inuu wax caddeyn ah u waayey in Nabadoon Cali Jeesto laga hor istaagay inuu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu qabtay doorashada kursigaas marka laga reebo sheegashadiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in guddiga doorashada heer Maamul Goboleed uu Maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP067.

Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga uu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga kasoo baxay oo dhameystiran