Nabadoon Cali Jeesto oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Guddiga Xallinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto) oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ayaa jawaab culus ka bixiyey go’aankii ay shalay soo saareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal, kadib markii ay go’aamiyeen in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay tahay mid sax ah.

Cali Jeesto oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyey ayaa ku gacan seeray go’aanka kasoo baxay guddiga, wuxuuna shaaciyey in aysan marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale wuxuu eedeyn jeediyey hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ku eedeeyey inay beesha u sameeyeen odayaal dhaqameedyo aan jirin, sida uu hadalka u dhigay.

“Galmudug xaq uma laheyn in beelaha Marooyin usoo magacowda odayaal dhaqameedyo aan jirin ee loo sameystay in lagu boobo doorashada, isla-markaana aan ka tirsaneyn dhaqanka beesha,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto).

Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in beesha aysan aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ee lagu soo doortay Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Farey).

“Waxay beesha Marooyin caddeyneysaa in aysan aqoonsan doonin doorasho ku sheeggii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee doorashada, isla-markaana uu wax ka qabto ‘boobka’ soda.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli shalay guddiga xallinta uu ku dhowaaqay go’aankiisa kama dambeysta ah, iyada oo kursigan loo xukmiyey Yaasiin Cabdullaahi Farey oo haatan ah agaasimaha KMG ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii