Xogta dadaallada beesha caalamka – Farmaajo ma lagu qasbayaa inuu iska tago?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay wada-hadallo la leedahay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, si looga hortago in xiisadda taagan ay isku rogto dagaal.

“QM iyo saaxiibada caalamiga waxay xiriiro la leeyihiin dhammaan dhinacyada si loogu booriyo inay xiisadda qaboojiyaan,” waxaa sidaas yiri Ari Gaitanis oo ah afhayeenka UNSOM, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sida uu sheegay Gaitanis, wada-hadallada ayaa waxaa ku lug leh dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK, iyo ururka Midowga Yurub iyo dhinacyo kale, waxayna Arbacadii kulamo kala gooni la kala yeesheen madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.  

“Hadafkooda labada kulanba wuxuu ahaa inay ku diiri-geliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay hormariyaan danaha waddaanka, ayna diiradda saaraan in la saxo khaladaadka doorashada,” ayuu yiri Gaitanis.

Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyadeed kasoo xigatay in muhiimadda koowaad ee beesha caalamka ay hadda tahay in Farmaajo lagu cadaadiyo inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, oo uu u daayo ra’iisul wasaare Rooble, welina aysan jirin qorshe loogu qasbayo inuu Villa Somalia ka baxo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay la hadashay Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Si kastaba, haddii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ay ku adkeystaan inay howl-galiyaan Ciidamada Badbaado Qaran, waxaa beesha caalamka qasab ku noqon doonta in Farmaajo meesha ka baxo.

“Beesha caalamka waxay hadda sheegeysaa in Farmaajo ay xakameyn karaan ayada oo aan lagu qasbin inuu baneeyo Villa-da, balse ayagaa waxaa hoggaamiya cadaadis, haddii ay arkaan cadaadis ciidan, uma furno wax aan ka aheyn inay Farmaajo ay meesha ka saaraan,” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Rooble iyo musharaxiinta qaar ayaa qaba aragti ah in inta Farmaajo uu Villa Somalia dhex joogo aanay dalka doorasho ka dhici karin, ayna muhiim tahay in cadaadis ciidan looga saaro. Si kastaba, waxaa jira xubno kale oo ka mid ah mucaaradka oo qaba in dagaal aan la gelin magaalada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii