Madaxweyne Xasan Sheekh: “Farmaajo waxa kaliya ee u dhiman waa inuu is toogto”

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan xalay ay Midowga Musharrixiinta ay sheegeen in looga soo horjeeday agembigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xooggan u dhalleeceeyey ficilada uu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shantii Sano ee uu ku fadhiyey kursiga.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dulqaad badan loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii uu weeraro ku qaaday shaqsiyaad kala duwan, xayiraad safar uu kusoo rogay iyo kiisas kale.

“Maalmo badan oo 27-ka December 2021 oo kale ayaa dalka soo maray, balse maanta sida looga falcelinayo oo kale ma ahayn, wax kasta oo qof bini’aadam ah uu ka caroodo uuna qori ka qaato ayuu sameeyay Farmaajo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta dadka ka hor istaagtay in ay gacan qaad ku baddelaan ficilladaas, waxa uu ku sheegay in ay rejo ka qabaan dalka oo niyadda ay ku hayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinkaas oo dulqaad iyo dhabar adeeg u baahan sida uu hadalka u dhigay.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax u haray markaan malaha oo aan ahayn in uu is toogto oo uu dagaal isku qaado mooyee ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba kajirin, islamarkaana kuwa sheegay ay yihiin kuwii 5-tii sano ee la soo dhaafay lacagta lagu siinayay aflagaadeynta mucaaradka ee loo yaqaano (CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh Maxamuud in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali kheyre.

“Ma jiraan inaan kala qeybsan nahay, inaan afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, balse majiraan wararka dadka qaarkood ay sheegayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamed.

27-kii December 2021, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka badbaaday afgambi uu la damacsanaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciidan dul dhigay xafiiskiisa iyo kan Golaha Wasiirada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii