“Waa in xal loo helo ciidanka isku hor-fadhiya gudaha Villa Somalia,” waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta mucaaradka oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka digey halis ka jirta gudaha madaxtooyada oo uu sheegay in ciidamo soo kala horjeeda isku horfadhiyaan.

Cabdiraxmaan ayaa Golaha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay shaqadooda ugu horreyso ka dhigaan inay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiyo madaxtooyada dhexdeeda ee kala taageersan madaxwynihii hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Howsha koowaad ee Golaha Wadatashiga Qaran u taalla waa in xal loo helo labada qori ee Villa Soomaaliya isaga soo horjeeda. Xalkuna waa in Farmaajo Villada dibedda looga soo saaro, kaddib ayaa doorasho iyo sidii loo sixi lahaa laga hadli karaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo sidoo kale ka hadlay taliyayaasha ciidamada ayaa ku baaqay inay is-casilaan, islamarkaana booskooda lagu badalo kuwa aan ka qeybgelin dhibaatada dalkaa ka dhacday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

“Taliyaasha ciidamada hadlay waa fiican tihiin hadalkiina mid ayaa ka dhiman waa inaad is casishaan, dhibaatadii iyo fitnadii dalka ka dhacday hormuud ayaad ka ahaydeen walaalayaalow is casila,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maamul Goboleedyada aysan awood u laheyn inay boobaa Kuraasta Golaha Shacabka isagoo xusay in Kuraastaas ay leeyihiin Beelo, wuxuuna si weyn ugu hor yimid siyaasiyiinta Kuraasta u hoos fadhiista madaxda Maamul Goboleedyada.

Waxa uu u mahadceliyay madaxda dowlad goboleedyada ee taageeray ra’iisul wasaaraha isagoo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada ee weli ka aamusin mowqifka ay ka taagan yihiin khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii