Shaqsiga Sanadka 2021 “Person of the Year 2021”

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo kaashaneysa qorayaasha, tafaftirayaasha iyo maamulka ayaa sanadka 2021 u aqoonsatay “Shaqsiga Sanadka 2021” “Person of the Year 2021” Amb. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle).

Tan you markii loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay bishi Jun 2017, waxaa isbedel dhinacyo badan ah uu ku sameeyay qaabka ay u howl-gasho safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada New York.

Waxaa markii ugu horreysay uu safiirka dhaqan geliyay in kulamada ka dhaca xarunta Qaramada Midoobay ay si toos ah uga qeyb-galaan howl wadeenada safaaradda uu isaga hormuud u yahay, taasoo laga dareemay shirarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka soo dhex muuqato muddo dheer kadib.

Amb. Abuokar oo ah shaqsi aad u degan, aqoontiisa diblomaasiyadeedna ay aad u sarreeyso, ayaa waxaa uu ku dhiira geliyay dhalinyarada ka shaqeysa safaaradda in qeyb ka noqdaan wada-hadallada iyo matalaadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxaa u qabsoomay Safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 2021?

  • Danjire Abuukar Daahir Cusmaan wuxuu Soomaaliya ka bad-baadiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 1267, oo ahaa qaraar duqeymo heer caalami ah loogu geysan lahaa dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo loo cuskanaayay in argagaxiso dalka degan tahay. waxaana ay waxyeelo badan ka soo gaari laheyd dhammaan dadka shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolada Koofureed iyo dadka reer guuraaga ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu si toos ah u difaacay ganacsata Soomaaliyeed ee mar walba lagu eedeyn jira inay la shaqeeyaan argagaxisada, kadibna la saari jiray cunaqabatayn shaqi ah, lana xayiri jira hantidooda iyo xoriyadooda socodaalka.
  • Danjire Abukar wuxuu soo afjaray qaraarkii 2608 Qaramada Midoobay ee Burcadda Badeeda, waxaana sanadka laga dhigay sii jiritaanka qaraarka saddex bilood kaliya. Danjiraha ayaa sidoo kale ku qanciyay danjirayaasha kale in Soomaaliya loo dhiso ciidan bad oo xoog leh, kuwaas oo difaaca xeebaha dheer ee Soomaaliya.
  • Danjire Abuukar ayaa bishii Septebmer ee 2020 loo doortay in uu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Qaramada Midoobay, taasoo uu hayay ilaa Bishii September ee sanadkan 2021.
  • Danjiraha ayaa sidoo kale ku guuleystay markii labaad 2021 in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururka xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay “UN Human rights Council”
  • Danjire Abuukar Baale wuxuu si buuxda ula dagaalamay dhoofinta dhuxusha iyo xaalufinta lagu haayay deegaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mashruuc ay muddo dheer wadeen dalal shisheeye oo si xoog badan ugu macaashi jiray dhuxusha laga keeno Soomaaliya.
  • Ergada Soomaalida ee fadhigeedu yahay New York waxaa ay Guul ka keentay in muwaadiniin Soomaaliya oo tiro ka mid noqdaan shaqaalaha caalimiga ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sidoo kale waxaa fursado waxbarasho heley arday Soomaaliyeed oo helay waxbarashadda Qaramadda Midoobey ee takhasuska ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu dagaal badan u galay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabateyn hubka si ay Dowladda Soomaaliya uga adkaato kooxaha cadowga ku ah ummadda Soomaaliyeed jiritaankeeda ee sida AlShabaab iyo daacish.