Maxamed Cabdirisaaq oo fasiray qoraalkii Mareykanka ee Farmaajo iyo R/W Rooble – “Ma ahan sida loo maleeyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa cabiray qoraallada kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan khilaafka ka dhex oogan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen rooble.

Mareykanka ayaa laba goor soo saaray qoraallo u muquday inay ku taageerayaan Rooble, uguna hanjabayaan Farmaajo. 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay Farmaajo ka dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Qoraal kale oo kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri ““Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya.

Haddaba Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa cabiray waxa loo fasiran karo hadalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka iyo wicitaannadooda tooska ah ee madaxda Soomaaliya ee is khilaafsan

“Dabcan arrintan waxay daba socotay markii maalin dhoweyd khilaaf khatar geliyay Soomaaliya dowladnimadeedii iyo wixii la soo dhisaayay tan 2001-dii oo ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad loo dhan yahay oo uu sal u yahay dastuur, nimaad iyo kala dambeyn,” ayuu yiri.

“Khifkaasi khatarta geliyay in dhamaam ay meesha ka baxdo nidaamkii dowladnimo ka dib ayaa waxaa dhacday in diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka iyo cidkasto oo arrimaha Soomaaliya isha ku haysay laga wadahadlay oo ay is weydiyeen maxaa arrinkan nagala gudboon oo aan Soomaali la qaban karnaa marka qaar waa iyagii qaar soo saaray war qoraalka halka qaar kalana ay barta Twitter ka soo dhigeen aragtidooda.”

“Waxaa taas ka sii dambeysay in taloofan lagula soo hadlay madaxweynaha iyo ra”iisul wasaaraha oo loo sheegay cidwalba waxii ay sameyn lahayd.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa la weydiiyey in isagoo arrintaasi ka eegaya dhanka diblomaasiyadda dhadhan noocee ah ayay leedahay miyaa loo fasiran karaa in Mareykanka uu u janjeesamay xagga Rooble?

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ku jawaabay “Maya, Mareykanku sidaan muddaba ka wada shaqeyneynay oo aan ka wada hadleynay sidii Soomaaliya ay doorasho u aadi lahayd, muddo hal sano ahna arrintaas ayaa ka wada hadleynay, hadana weli waxay u janjeerta in weli la yirahdo xalka keliya waxa uu ku jira in doorasho la aadaa ee ma aragtay afgambi iyo nidaam kale oo sharci darro ah oo madaxweyne iyo ra’iisal wasaare shaqada looga joojiyo.”

Waxa uu intaas ku daray “Sida keliya ee wax lagu hagaajin karo, Soomaaliyana horay ugu socon karto waa in nidaamka sharciga ah la raacaa doorashana la aadaa marka hadalka Mareykankana sidaas ayuu u socdaa, dadkana waxay cabirayaan labada mas’uul keebaa raba inay socota doorashada keeba se raba inay si kale wax u socdaan marka waxay ila tahay dadku ay sidaasi wax ku cabirayaan.”

“Haddii Mareykanka dan uu ka leeyahay Soomaaliya darteed uu rabo inuu u farogeliyo iyagana ma sameynayaan hadey dhacdadana cidna ma yeeleyso laakiin marka lagu leeyahay dadkaagi iyo dalkaagi u tur, xuquuq-doodana ilaali marka in hadalkooda uu meel dheer ku dhaci doono oo dad badan oo Soomaali ahna ay ku raaci doonaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii