Sawirro: Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay ragii weeraray guddoomiye Jeyte

Beledweyn (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay magaalada Beledweyn ku dhexmaray Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cusmaan iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

“xilli saacadu ku beegneyd abaare (7) Todobadii Fiidnimo ee xalay xilli ay safar shaqo kasoo laabteen degmada Feer-Feer Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabeelle,  Taliyaha Guutada 5 aad, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Hiiraan iyo masùlinyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur Dheere, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa ay maamulka sheegeen in gacanta ku dhigeen ragga hubeysan ee weerarka ku soo qaaday, kuwaasi oo gaaraya ilaa 20 ruux iyo sarkaalkii hoggaaminayay, isla markaasna dhowaan la horgeyn doono maxkamadaha awoodda u leh.

”Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan halistiisa waxaane la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

”Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne,” ayuu sii raaciyey afhayeenka.

Raggaan weerarka qaaday ayaan ilaa hadda la oggeyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Dagaalka xalay ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 12 kale kuwaas oo isugu jira Shacab iyo ciidamadii dagaalamay.