Mukhtaar Roobow ‘oo lagala baxay’ hoygii lagu hayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobw Cali Abu Mansuur ayaa lagala baxay hoygii uu Muqdisho ka deganaa, ee uu xabsi guriga ugu jiray, waxaa sidaas sheegay xubno ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo.

Dr. Maxamed Nuur Bilaal, oo ah xoghayaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu guddoomiyaha ka ahaa Abuu Mansuur, ayaa Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in loo soo sheegay in Roobow lala baxay habeenkii 29-ka December, islamarkaana la geeyey xarunta Habar Khadiijo ee NISA.

Dr. Maxamed ayaa sheegay inay hadda jirto khatar ay wajaheyso nolosha Abu Mansuur, isaga oo intaas ku daray in sababta Mukhtaar Roobow loogala baxay guriga ay tahay in lagala cararo cadaaladda, kadib markii uu wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Roobow.

“Markii ay Wasiirka Amniga iyo dowladda Soomaaliya ku baraarugeen dulmiga lagu gaysanayo magaca dowladda, ayna tiri arritan war ha laga keeno, ayaa waxaa muuqaneysa in kooxdii waxan sameyneysay inay mar kale la baxsadeen musharaxii, oo ay la aadeen meel aan la garaneyn,” ayuu yiri Dr. Maxamed Nuur.

“Annaga waxaan dareemeynaa in nolosha Sheekh Mukhtaar ay khatar ku jirto, sidaas darteed waxaan dalabaneynaa baaritaan deg deg, waxaan mar kale dalbanayena caddaalad. Waxaan ugu baaqeynaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintan soo faro-geliyo.”

Si madax-banaan looma xaqiijin karo arrinta uu sheegay Dr. Maxamed Nuur Bilaal.

Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo xalay wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku sugan yahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu sugan yahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dr. Maxamed Nuur Bilaal