Shariif oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xijaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ciidamada ku amray in aysan ku milmin siyaasadda aysan ku milmin oo ay ku eekadaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay amarka uu Xijaar faray ciidamada booliska, xilli uu uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa tallaabo kale oo mudan hambalyo iyo bogaadin hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ee ku saabsan in ciidanka Booliiska ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasiga ah, ayna xoogga saaraan waajibkooda shaqo ee ay u dhaarteen oo ah ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso biseyl, taasi oo xoojinaysa dhismaha nabadda iyo wada-jirka ciidanka, xilli uu dalka ku jiro marxalad kala guur xasaasi ah, islamarkaana ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore ciidanka uga digay in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, waxayna hadda si weyn usoo dhaweynayaan in arrintaas ay garteen hogaankii u sareeyay ee ciidamada.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ciidamada booliska Soomaaliyeed uga digay inay ku milmaan siyaasadda, islamarkaana ay si hufan uga shaqeeyan umadda Soomaaliyeed.

Shalay unbey aheyd markii uu Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu sidan oo kale ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan, isaga oo cadeeyey in hal askari aysan ka ogolaa doonin inuu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah.

Ciidanka dowladda qaarkood oo marar dhowr ah qeyb ka noqday xiisadaha siyaasadeed ee dalka, ayaa xilligan wajahaya go’aano culus oo meesha ka saaraya in markale ay raacan garab gaar ah ama qeyb ku yeeshan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii