FIQI oo shaaciyey laba arrin oo kala duwan oo Farmaajo uu ka sheegay afgambiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo markale ka hadlay dhacdadii dhawaan awood ciidan looga hor istaagay xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kala afleyn qaawan ka sameeyay inqilaabkii fashilmay.

Sida uu sheegay Fiqi kadib markii Rooble laga hor istaagay xafiiskiisa waxa Farmaajo u tagay xubno u jeediyay in ciidamada laga qaado xafiiskiisa, kuwaasi oo si jees-jees ah kusoo dhaqaajiyey.

“Maalintii inqilaabka dhiciska ah uu dhacay akhyaar u tagtay afgambiyaha ayaa laga soo wariyey in ay u soo jeediyeen in ciidamada qabsaday xafiiska Raysulwasaaraha meesha laga wareejiyo, Raysulwasaarahana loo ogolaado xafiiskiisa inuu galo, wuxuu ugu jawaabay; ma Raysulwasaare cusub ayaa la soo magacaabay?,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin kadib xubno kale oo u tagay Farmaajo uu ku dafiray in uu wax ka oga qorshaha awooda ciidan lagula wareegayay xafiiska Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

“Anigu maba ogayn xafiis la xirtay, mana dhicin arrintaas!,” ayuu ku yiri xubnaha u tagay Farmaajo, sida uu shaaciyey Fiqi.

Dhanka kale, Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo uu sheegay in dan ku qasabtay in uu ku dhawaaqo inuu yahay “Tabliiq Siyaasadeed”.

“Waxa subaxnimadii hore ee maalintii inqilaabka soo kallahay oo lagu arkay agagaarka xafiiska Rooble, mudane Mahdi Guuleed oo horay uga qabatin bartay in marka Raysulwasaare si sharcidarro lagu bedelo inuu kursiga sii kululeeyo, asagoo lagu tuhunsanaa inuu wax ka ogaa qorshaha, balse markuu arkay geela in lala joogo ayuu dhegsaday kaarka tabliiqa siyaasadeed!.”

“Carabta ayaa waxay markaan oo kale tiraahdaa “ sixiroolihii sixirkiisii ayaa la gaddoomey, meeshii uu ka rabay in uu qof kale sixro”!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii