Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maanta weerar culus oo khasaare kala duwan geystay ay ka fuliyeen gobolka xeebta Laamu ee dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 10 qof.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Widhu oo ay gudaha u galeen xoogaga Al-Shabaab, kadibna ay ku dileen ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ragga weerarka fuliyey ay dab qabadsiiyeen xaafaddo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay baxsadeen kooxda weerarka fulisay, waxayna tilmaameen inay haatan wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggaasi.

Dhanka kale shacabka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkaasi, kadib markii lagu dilay lix qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu harreeyey ee sanadkan cusub billowgiisa kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo  ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo kuwa ku sugan xadka labada dal, waxaana weeraradan ay sii xoogeysteen sanadihii dambe iyagoo dhaliyey khasaare xoogan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii