25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Ciidamada DF oo ka hortegay QARAXYO la qorsheeyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamada Gorgor iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxyaale oo dhaca koonfurta magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen xubnahaasi oo diyaarinayey gaari lagu soo raray qarxyo oo la sheegaya in lala damacsanaa Guriceel.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo war kasoo saaray howl-galkaasi ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan 7 xubnood oo uu jiro sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Guriceel, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Daa’uud Shaambil.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo jaakadaha qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaajiriyay 7 xubnood oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee Magaalada Guriceel iyo lix kale oo la socotay, waxa ay wateen Gaari Surf ah & Jaakado kuwa qaraxyada lagu fuliyo, Ciidamada ayaa ku raad-jooga saddex kale oo ka baxsatay gacantooda,”  ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Dhanka kale taliyaha ayaa aad u boggaadiyey laamaha ammaanka iyo shacabka Guriceel, maadaama uu sheegay in si wadajir ah looga hortegay weerarkaasi, kadib xogo ay heleen.

Guriceel waxaa muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku ballaariyey deegaanada hoosyimaada magaaladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News