SOOMAALIYA oo sanadkan dalal kale uga kor martay qiimeynta awoodda militariga

Washigton (Caasimada Online) – Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sanadkan 2022-ka ay sameysay isbaddal.

Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka kooban 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay.

Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.

Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.

Dhanka kale, Israa’iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dhaafay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo booskeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay.

Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tababartkoodaba.

Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii.

36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa kasoo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale.

Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo.

Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya.

Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo hadda ah waddanka 10-aad.

Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan

Masar, Koonfur Afrika, Aljeeriya, Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Suudaan, Tuniisiya.

Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika.

11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, 12- Kenya, 13- Chad, 14- Zambia, 15- Uganda, 16- Zimbabwe, 17- Ghana, 18- Mali, 19- Suudaanta Koonfureed, 20- Cameroon, 21- Niger, 22- Botswana, 23- Ivory Coast, 24- Tanzania, 25- Mozambique, 26- Jamhuuriyadda Kongo, 27- Eritrea, 28- Muritaaniya, 29- Namibia, 30- Madagascar, 31- Burkina Faso, 32- Gabon, 33- Afrikada Dhexe, 34- Sierra Leone, 35- Liberia, 36- Soomaaliya

Waa sidee awoodda militeri ee Soomaaliya 2022?

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan. Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedhaay 65 gawaadhida gaashaaman ah. Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $30,450,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Isha: BBC Somali