50 ka mid ah shaqaalaha G/BANAADIR oo shaaciyey in hal sano ka badan aan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 50 dhalinyaro ah oo ka shaqeeya gobolka Banaadir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey mushaar la’aan xoog leh, ayaga oo sanad iyo dheeraad ahna ay ku guul-dareysteen inay helaan xuquuqdoodii.

Dhalinyartaan oo qaarkood la hadleen idaacada KNN ayaa waxay sheegen in muddo ka badan sanad la meer-meerinayay, markii dambena loo sheegay in cabashadooda uu wax ka qaban karo oo keliya Guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish.

“Cabashadeena waxaa ka bilownay agaasimaha oo wax war ah kama helin, waxaana u gudbinay agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo markii dambe noo sheegay in arrinteena uu gaarsiiyay Cumar Filish, laakiin wax jawaab oo cad nooma soo sheegin,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyartaas oo la hadlay KNN.

“Arrin dheer iyo mujaamilo dheer waxaa naloo sheegay in arrinteen ay ka sokeyn Guddoomiyaha, anaga waqtiga waa noo saamixi waayay in aan la kulano guddoomiyaha.”

Waxay dalbadeen in arrintaan uu soo fara-geliyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, maadama mushaarkii xaqa u lahaayeen ay la’yihiin muddo sanad iyo ka badan aha.

“Waxaan iskugu jirnaa agaasimayaal, agaasime waaxeedyo, shaqaale iskugu jira kuwa xafiiseed iyo kuwa nadaafadeed,” ayuu yiri mid kamid ah oo la weydiiyay qeybaha ay shaqaalaha mushaar la’aanta ka cabanaya iskugu jiraan.

Ma aha markii u horeysay ee shaqaale ka tirsan gobolka Banaadir ay ka cawdaan mushaar la’aan, illa haddana majiro wax war ah oo ku aadan arrintaan oo kasoo baxay maamulka gobolka.