Sawirro: Taliyihii hore ee NISA iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaan ayaa u sharaxan kuraasta beeshooda ee taalla magaalada Beledweyne, halkaas oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato doorashada golaha shacabka.

Wasiir Cabdirisaaq iyo Cabdullahi Sanbaloolshe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa cadeeyey inay Beledweyne u tageen ka qeyb galka doorashada golaha shacabka.

Si weyn ayaa isha loogu wada hayaa hanaanka uu hoggaanka HirShabeelle u maamuli doono doorashada kuraasta golaha shacabka ee talla magaalada Beledweyne.

Arrinta xasaasi ka dhigeysa doorashada kuraasta magaalada Beledweyne taalla, waa in kooxda Farmaajo ay dadaal xoog leh ku bixineyso sidii saameyn togan ay ugu yeelan laheyd doorashada kuraastaas, waxaana ka mid ah kursi ay la doonayaan Fahad Yaasiin oo aan laga jecleyn Beledweyne.

Sidoo kale beesha ugu weyn qabaa’ilka dega Hiiraan ee Xawaadle ayaa aad isha ugu heysa sida hoggaanka HirShabeelle uu u maareeyo doorashada kuraastooda.

Beeshaan sanad ka badan waxay aad u diidaneed inay aqoonsato hoggaanka HirShabeelle, balse dhawaan waxaa xal hor dhac ah laga gaaray khilaafkii jiray, laakiin siyaasiyiinta beeshaas ayaa qaba in heshiiskaas uusan sii jiri doonin hadii boob lagu maamulo kuraasta Xawaadle.