Jabuuti oo ogolaatay inay dib u soo celiso hanti ay u heysay Soomaaliya (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay dib ugu soo celiso dhismayaal uu ku jiro dhismihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, faraciisa dalka Jabuuti.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in safaaraddu ay ku guuleysatay in dowladda Jabuuti ay u ogolaato in hantidaas ay dib ugu soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo aad ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale.

“Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay oo dadaal dheer kadib ugu dambeyntii waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad oo sanad iyo dhawr bilood ku magacaaban safiirka Soomaaliya u jooga Jabuuti ayaa sheegay in markii uu xafiiska tegay uu dadaal dheer u galay sidii hantidaas ay dib ugu soo laaban laheyd gacanta dowladda Soomaaliya.

“Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Intii uu xukunka joogay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, mad-madow badan ayaa galay wadashaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, inkastoo uusan jirin khilaaf weyn oo sababi kara inay kala tagaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hoos ka daawo Salaad Cali Jeelle oo sharaxaya heshiiskaas