Ciidamada DF oo howlgal ku qabtay rag hubeysan

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeleeha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qab qabtay rag hubeysan.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Gololeey, Siigoole, Masiirey,
Buula cajuusa, Lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan oo dhamaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Wanlaweyn, Ismaaciil Sheekh Abuukar oo horkacayey howlgallada ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay in lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac u geysaneysay dadka shacabka ah, kuwaas oo lagu raad joogay.

Ismaaciil Sheekh Abuukar ayaa sidoo lale sheegay inay sii socon doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga ee ay haatan wadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada deegaanka inay garab siiyaan ciidamada ammaanka, ayna kala shaqeeyaan nabadgelyada.

Wanlaweyn ayaa waxaa marar badan ka dhacay iska hor imaadyo hubeysan oo sababay khasaare kala duwan, kuwaas oo waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay rayidka.

Si kastaba, gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli ku jiro xaalad amni xumo ah, waxaana usii dheer weerarada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.