Ciidan beeleed gadoodsan oo ku hanjabay in doorasho aanay ka dhaceyn Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidan beeleed ku sugan Gaalkacayo oo ka gadoodsan in doorashada laga reebo taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka, Daahir Indha Qarshe ayaa ku hanjabay in magaalada aysan ka dhici doonin doorasho.

Ciidankaan ayaa sheegay inay la wareegi doonaan goobta doorashada lagu qabanayo, haddii uusan madaxweynaha Galmudug uu ka laaban go’aanka uu kursiga beeshooda kaga dhigay qoondada dumarka.

Ciidankaan oo isku aruursanaya duleedka Gaalkacyo ayaa ku doodaya in la dulmiyay Indha Qarshe, xili ay beeshiisu siisay kursiga, hase yeeshe uu Qoor-Qoor kursigaas ka dhigay qoondo dumar si cadaadiska beesha caalamka isaga yareeyo.

Qoor-Qoor ayaa lagu wadaa in uu tao magaalada Gaalkacyo si xal looga gaaro arrimaha doorashada, ayada oo ay sareeyso cabsida laga qabo in goobta doorashada ay weeraraan ciidamo beeleed ka careysay boobka kuraastooda.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo dhawaan shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursiga tirsigiisu yahay HOP#020 oo laga dhigay qoondo haween.

Indha Qarshe ayaa ku eedeyay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor in ay is hortaagtay rabitaanka beeshiisa, oo kursigaas ku sharaftay, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii hore ayaa dalbaday in arrintaan soo fara-galiyaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, islamarkaana la hakiyo doorashada kursiga uu u tartamayo oo tirsigiisa uu yahay HOP#020, inta xal rasmi ah laga gaarayo muranka hareeyey kursigaasi.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka iyo beelaha iska leh kuraasta ayaa waxaa xiligan saameyn xoogan ku leh madaxda dowlad goboleedyada, oo ayagu sida ay rabaan ka yeesha.