Rooble ma kala leexin doonaa dagaalka Farmaajo uu kula jiro iyo doodda beeshiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal Sano iyo Shan bilood kadib Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu furay dood cusub oo ku saabsan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarey, xilli uusan Ra’isul Wasaaruhu wax talo ah ku yeelan deegaan doorashooyinkii kale oo ay xasaraduhu ka taagnaayeen.

Rooble oo la magacaabay maalin kadib markii la saxiixay heshiiskii ay Garbahaarey ku heshay 16-ka kursi, wuxuu marqaati ka ahaa caqabado ku yimid qaar deegaan doorashooyinka labaad ee dowlad goboleedyada, sida Boosaaso iyo Beledweyne.

Isaga iyo xukuumadiisa wax talo ah kuma darsan sidii labadaas xiisad loo xalin lahaa oo ay doorasho kaga dhici laheyd Beledweyne iyo Boosaaso, balse hadda sida muuqata wuxuu u bareeray Garbahaarey.

Marar badan ayaa la isku mari waayey qorshaha Deni iyo Axmed Madoobe ee hal deegaan doorasho.

Rooble wuxuu kamid ahaa xubnihii diidanaa in wax laga badalo heshiiskii 17-ka September, balse sanad iyo shan bilood kadib Ra’isul wasaaruhu wuxuu magacaabay guddi shaki gelinaya ku dhaqanka heshiiskii 17-ka September.

Guddiga uu Rooble magacaabay waxaa madax u ah Abuukaate Cumar Dhagey oo xafiiskiisa ka tirsan. Soo jeedin ka timid hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa 25-ka Bishii lasoo dhaafay tuhun lagu geliyey in Magaalada Garbahaarey lagu qaban karo doorashada 16-kaas Kursi ee loo asteeyey 17 September ee 2020.

Magaalada Baraawe oo Al-Shabaab ay dhinacyada ka fadhiyaan mararka qaarna ay soo duqeeyeen ayaa doorasho lagu qabtay, sidaas darteed guddigaan waa ku adag tahay inay keenaan mowduuc amni darro ku saabsan.

Markii uu Axmed Madoobe saxiixayey heshiiskaan 17-kii September xaalka gobolka Gedo siyaasad ahaan sida uu hadda yahay ayuu ahaa, Jubbaland iyo dowladda federaalka, midna ma qaadin tallaabo lagu badalayo jawiga siyaasiga ah ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu Axmed Madoobe hadda fursad uga dhex jeedo xiisadda weli ka dhex taagan Rooble iyo Farmaajo.

Haddaba Ra’isul Wasaare Rooble makala sooci doonaa Farmaajo iyo Beeshiisa?

Farmaajo iyo Rooble meel adag ayey hadda kala taagan yihiin, Rooble wuxuu dhawaan la kulmay Ugaaska iyo waxgaradka reer Gedo, waxayna ka wadahadleen kuraasta taalla Garbahaarey.

Illo kulankaas ka waramay waxay sheegeen in Rooble uu odayaasha u ballan qaaday in 16-kaas kursi laga soo celin doonin Garbahaarey, ballanta odayaasha ka sokow inuu soo celin ku dhawaaqo waxay ka dhigan tahay inuu toos u jabiyey heshiiskii 17-ka September, kaas oo Beesha Caalamka si toos ah u diiday in wax laga badalo.

Marka la eego sida uu Ra’isulWasaare Rooble u wajahay abaartii Gobolka Gedo iyo ballantii uu ka qaaday odayaasha reer Gedo waxay dadka qaarkiis qabaan inuu kala sooci doono dagaalka isaga iyo Farmaajo ka dhaxeeya iyo matalaada uu deegaankaasi leeyahay.

Inta badan dadka reer Gedo ee siyaasadda ku dhex jira ayaa diidmo kala hor yimid guddiga uu Rooble magacaabay, waxayna ku timaameen dariiq uu Rooble ku qancinayo Axmed Madoobe.

Sidoo kale, saaxiibka Ra’isul Wasaaraha ahna wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab oo kursigiisu dhankaas jiro ayaa kamid ah dadka lagu eedeenayo inay Ra’isul Wasaare Rooble ku qalqaalinayaan inuu qaato go’aan uu Gobolka Gedo kaga xayuubinayo matalaadisa doorashada, kaas oo aan la ogeyn waxa ka dhallan kara.

Kiiskaan waa imtixaan siyaasi ah oo hor yaala Ra’isul Wasaare Rooble, dadka reer Gedo waxay eegayaan inuu Rooble dagaalka Farmaajo u yeelo waji cusub ama inuu kala sooco Farmaajo iyo dalabka dadka deegaanka.

Haddii dhinac kale laga eego waxaa Gedo isku haya Farmaajo iyo Axmed Madoobe, kal hore waxaa la xasuustaa in heshiis siyaasi ah oo awood qeybsi ah lagu xaliyey loolankii Kuraasta ee u dhaxeeyey Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Dadka qaar waxay soo jeedinayaan in iyadoo aan deegaan doorashada Labaad la  tirtirin in laga fakari karo heshiis siyaasi ah oo Axmed Madoobe Kuraasta uu ku dhagan yahay qaar loogu soo saari karo maadaama waxa sanadkaan Dalka ka jiro aysan aheyn tartan doorasho.

Inkastoo Ra’isulwasaare Rooble weli loo arko in sareegasho leh haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku hareereeysan yihiin koox aan waxba xeerineyn oo aan qiimo ugu fadhin taariikhda uu reebi doono hab xukunka Ra’isulwasaare Rooble.